Wararka

Macalimad Soomaali-Mareykan ah ayaa loo magacaabay macalimka sanadka ee gobolka…


Macalimad Soomaaliyeed oo heysata dhalashada Mareykanka oo la yiraahdo Qorsho Xasan, ayaa loo magacaabay macalimka sannadka ee gobolka Minnesota, waana qofkii ugu horreeyay ee ku guuleysta abaalmarintan.

Waxay ku mutaysatay rabitaankeeda ku aaddan Inay aaminto ardaydeeda oo u ogolaato su’aalahooda inay hagaan waxbarashadooda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay ardayda sababta oo ah waxaan had iyo jeer isku dayayaa inaan noqdo cidda aan u baahnaa markii aan yaraa,” ayay tiri.

Maamulaha Iskuulka Hoose ee Burnsville ee Gideon Pond, oo ah halka Qorsho wax lagu soo baray sanado ka hor, ayaa ku tilmaamay Qorsho inay tahay “bare wax ka badalaya aqoonta carruurta.”

Qorsho ayaa laga soo xushay 134 macalin oo loo magacaabay abaal marintan.

Qorsho ayaa sheegtay inay rabto inay u isticmaasho mowqifkeeda Macallinka Sannadka ee Minnesota si ay ugu dooddo in si wanaagsan loo ilaaliyo macalimiinta midabka lagu takooro isla markaana lagu dhiirri geliyo tababbarada.

“Waxay i siineysaa meel aan ku iftiimiyo qaar ka mid ah arrimaha aan la kulmo si aan u noqdo aqoonyahan madow oo leh haynta iyo taageerada shaqaalaha midabada kala duwan leh,” ayay tiri Qorsho.

Soomaalida ku nool dalka Maraykanka ayaa kaalin firfircoon kaga jira siyaasada iyo tacliinta dalkaas.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11444 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: