Wararka

Trump oo xeer madaxweyne ugu qabtay shirkada TikTok in 45 maalmood ay uga qalab guraneyso…


Madaxweynaha Mareykanka ayaa xeer madaxweyne kasoo saaray aaladda teknolojiyada TikTok ee asal ahaan laga leeyahay dalkaasi Shinaha, waxaana uu u qabtay 45 maalmood oo ay shirkaddaasi uga qalab-guraneyso Mareykanka.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in sida keliya ee ay shirkaddaasi ku bad-baadi karto ay tahay in shirkad Mareykan ah ay iibsato.

Trump ayaa ku tilmaamay shirkaddaasi mid khatar ku ah amniga Mareykanka.

45-taasi beri ee la siiyay kadib waxaa laga saari doonaa App-ka TikTik suuqyada gudaha Mareykanka sida Apple Store iyo Googles Play Store.

Hilary McQuaide oo afhayeen u ah TikTok ayaa warbaahinta u sheegtay in ay aqrin doonaan xeerka madaxweyne islamarkaana ay war kasoo saari doonaan.

“TikTok, waxaa ay u suuro gelineysaa xukuumadda komuniistaha ah ee Shiinaha in ay la socdaan xogta iyo dhaq-dhaqaaqa shacabka iyo shaqaalaha dowladda Mareykanka. Sidoo kale waxa ay u sahleysaa in ay basaasaan shirkadaha ayna dhacaan”, ayaa ka mid ah qoraallada ku qoran xeerka madaxweyne ee uu Trump kasoo saaray TikTok.

Tik-Tok ayaa waxaa iskaleh shirkadda ByteDance.

Xeerkan madaxweyne ayaa soo baxay kadib digniino dhowr ah oo ay dowladda Mareykanka u jeedisay shirkaddaasi, oo ay uga digeyso in ay ka mamnuucayaan Mareykanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11863 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: