Wararka

Dibadbaxayaal badan ayaa gudaha u galay dhismaha Wasaarada Arrimaha Dibada ee Lubnaan…


Booliska ka hortaga rabshadaha iyo dibedbaxyada ayaa waxay la hardamayaan dibadbaxayaal magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lubnaan oo ay maalmo ka hor ka dhaceen qaraxyo waaweyn oo ciriiri sii geliyay noloshii awalba ciriiriga ku jirtay ee shacabka dalkaasi.

Dibadbaxayaal careysan ayaa isku dayaya in ay xoog ku galaan baarlammaanka dalkaasi, waxaana lasoo warinayaa in boolisku ay u adeegsanayaan dadkaasi sunta dadka ka ilmeysiisa.

Waxaa la soo weriyey in dibadbaxayaal aad u badan ay gudaha u galeen dhismaha Wasaarada Arrimaha Dibada ee Lubnaan, sidoo kale war ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu taageeray dalabka dibadbaxayaasha.

Sida ay soo warineyso wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa ay dibedbaxyadani ku bilowdeen si nabdoon, iyadoona garab-istaag loogu muujinayay dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii dalkaasi ka dhacay maalmo ka hor.

Dibedbaxyada ayaa isu badalay kuwo rabshado wata.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: