Wararka

Dowlada Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan dalka Kenya…


Dowladda Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Kenya, iyadoo sheegtay inay kordheen dambiyada abaabulan ee argagixisannimada, arrimaha caafimaadka, iyo afduubka.

Dowladda Maraykanka waxay tilmaamtay in Xarumaha Caafimaadka Ka Hortagga Cudurrada (CDC) ay ka deyriyeen xaaladda caafimaadka oo ay sabab u tahay markii Kenya qaaday xayiraadii lagu xakameynayay faafitaanka Covid19.

Muwaadiniinta Maraykanka waxaa si gaar ah looga digay inay u safraan Xadka Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha oo ka jirta cabsi la xiriirta argagixisada awgeed.

“Sababo la xiriira argagixisannimada awgeed, shaqaalaha dowladda Mareykanka ayaa laga mamnuucay inay u safraan gobollada xudduudda Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha qaarkood” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Kenya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11748 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: