Wararka

Dowlada Mareykanka oo xiyraad ku soo rogtay hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam iyo…


Dowladda Mareykanka ayaa shalay oo Jimco aheyd xayiraad kusoo rogtay hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam iyo toban xubnood oo kale kadib markii ay ku eedeysay in ay awood u adeegsadeen dibedbaxyadii halkaasi ka bilowday sannad ka hor, walina taagan.

Waxaa sidoo kale xayiraaddooda loo cuskaday in ay “laaleen xorriyaddii shacabka Hong Kong, waxna ka badaleen sharciyada ismaamulka Hong Kong, toosna loo hoos geeyay taliska Shiinaha ee Beijing fadhiya”.

Xayiraadda la saaray masuuliyiintan ayaa la sheegay in uu dalbaday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaas oo bishii July horraanteeda soo jeediyay in arrinkaasi lagu dhaqaaqo.

Carrie Lam ayaa si gaar ahaa waxaa dusha looga saaray in ay leedahay masuuliyadda xorriyadda looga qaaday shacabka Hong Kong.

11-kan xubnood ayaanan la ogeyn sida uu u saameyn doono xayiraadahan oo ka mid ah in aysan u safri karin Mareykanka iyo dhaqaalahooda oo ciriiri la gelinayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11889 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: