Wararka

Kooxda Juventus ayaa iska eriday tababare Maurizio Sarri kadib guul daradii kooxda kala…


Kooxda Talyaaniga ka dhisan ee Juventus ayaa shaaca ka qaaday in ay iska eriday tababaraheedii 61-jirka ahaa ee Maurizio Sarri.

Ceyrinta tababarahan ayaa timid ka gadaal markii maalin ka hor ay kooxdiisa Juventus la garaacay oo ay ka badisay kooxda Lyon ee wareegga loogu gudbayay quarter finalka ee horyaalka Champions League.

Naadiga ayaa uga mahadceliyay tababaraha waqtigii uu la soo qaatay iyo heerka uu soo gaarsiiyay kooxda, waxaana ay u rajeeyeen mustaqbal wanaagsan.

Maurizio Sarri oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalkaasi Talyaaniga ayaa horay tababare ugu soo noqday kooxaha Napoli iyo Chelsea.

Waxaa loo badinayaa tababaraha bedeli doona Sarri inuu noqdo Andrea Pirlo oo ahaa laacib ka mid ahaa kooxda Juventus iyo Qaranka Talyaaniga.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11372 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: