Wararka

Nin qaawan ayaa ceyrsaday doofaar duureed kala cararay bac ay ku jiraan dharkiisa iyo…


Magaaladaasi Berlin ee dalka Jarmalka waxaa horraantii isbuucan ka dhacday dhacdo ay aad u hadal hayaan warbaahinta caalamka kadib markii uu soo shaac baxay sawirka nin qaawan oo ceyrsanaya doofaar-duureed kala cararay bac ay ku jiraan dharkiisa iyo waliba kombuyuutar Laptop ah.

Dhacdadan ayaa ka dhacday beer loo yaqaan Teufelssee ee magaalada Berlin, waxaana ay dhacday xilli uu ninkani gadi cad u jiifay oo uu qorraxeysanayay islamarkaana uu cunayay Pizza.

Doofaarkan iyo labadiisa cunug oo baahnaa ayaa soo carafsaday pizzaha ninkan, waxaana uu baddalka qaatay bac dhar iyo laptop ku jiraan.

Tuugaan afarta lugood leh ayaa ugu dambeyn laga soo dhigay bacda .

Adele Landauer oo ah gabar isla beertaasi ku qorraxeysaneysay ayaa sawirrada ka qaaday ninkan, waxaana markii ay tustay isku afgarteen in warbaahinta loo bandhigo maadaama laga maadsan karo.

Sida ka muuqata sawirrada dadka goob-joogga ahaa dhacdadan ayaa la yaaban hab-dhaqanka ninkan waayeelka ah, qaar qosolka ayaa ka dhamaaday, qaarna layaab ayay ku noqotay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: