Wararka

Qarax xooggan ayaa ka dhacay meel ka tirsan degmada Warta Nabada ee magaalada Mogadishu…


Qarax si weyn looga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho ayaa goordhow ka dhacay meel u dhow Isgoyska Baar Ayaan ee ka tirsan degmada Warta Nabada.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Xerada qeybta 27aad ee Ciidamada Xoogga dalka oo ku dhow garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo xaruntaas lagu weeraray, waxaana goobtaas lagu arkayaa uuro madow iyo qaac cirka isku shareeray.

Ciidamada amaanka DF ayaa xiray goobtaas, waxaana jira warar sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qaraxan inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: