Wararka

Kulamada Kooxaha usoo baxay quarter finalka CL ayaa ku kulmi doona magaalada Lisbon…


Walow tartanka Champions League sanadkan aan sidaasi dhadhan badan u laheyn sababo la xiriira kala go’ii tartamada coronavirus awgii, hadana koobkan dhegaha waaweyn iyo abaalmarinada la bixiyo ayaa ka dhigeysa mid muhim u ah taageerayaasha iyo kooxaha.

Hadaba waxaa isku soo haray 8 kooxood quarter finalka koobkan oo lagu qaban doono magaalada Lisbon ee caasimada dalka Portugal.

Ciyaarta ugu horeysa ayaa dhici doonta 12 August waxaana isku arki doona kulankaasi Atlanta iyo PSG, halka 13 August ay dheeli doonaan Leipzig iyo Atletico, halka 14 August ay kulmi doonaan Barcelona iyo Bayern, hadaba ciyaarta ugu dambeysa ee quarter finalka waxaa isku arki doona Manchester City iyo Lyon.

France, Germay iyo Spain waxaa ku matalaya min labo kooxood, waxaa soo raaca koox Ingriis ah iyo mid Talyaani ah.

Semi finalka ayaa la ciyaari doonaa 18 August, halka finalka lagu ciyaari doono garoonka Estadio do Sport Lisboa e Benfica 23ka August 2020.

La arki doonee kooxdii kor u qaada koobka Champions League.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11447 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: