Wararka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu wareejiyey mas’uuliyadda maamulka waxbarashada…


Xukuumadda oo dadaal xooggan ugu jirta tayenta heerka waxbarasho ee dalka iyo daadejinta hannaanka loo maamulo waxbarashada, ayaa maamulka gobalka ku wareejisay mas’uuliyadda maamulka waxbarashada caasimadda.

Ku wareejinta maamulka gobolka maamulka waxbarashada ayaa ka dambeeyay is-afgarad dhex maray wasaaradda waxbarashada oo horay u maamuleysay iyo maamulka gobolka.

Ujeedada is-fahamka uu maamulka gobolku kula wareegay waxbashada caasimadda ayaa ah in waxbarashada loo daadejiyo heer gobol, iyadoo laga duulayo nidaamka federaalaynta dalka iyo in gobolka qaato masuuliyadda waxbarashada caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo sii hayaha Wasiirka waxbarashada dalka, ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay bulshada gobolka Banaadir iyo guud ahaan hagaajinta waxbarashada ay u leedahay in maamulka gobolku uu la wareego mas’uuliyadda waxbarashada gobolka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo guul weyn ku tilmaamay daadejinta maamulka waxbarashada, ayaa maamulka gobolka kula dardaarmay in sida ugu haboon ay uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda maanta lagu wareejiyay.

Heshiiskaan is-fahamka ah ayaa ku dhisan sharciyad, sida ku cad Dastuurka Dowladda Federaalka qodobada 51-aad iyo 52-aad oo tilmaamaya iskaashiga Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: