Wararka

Shir qaaraan loogu ururinayo dalka Lebanon ayaa maanta lagu wadaa in la qabto…


Qaraxii weynaa ee baabi’iyey magaalo madaxda Lubnaan Talaadadii ka dib ayaa maanta oo Axad ah ay hogaamiyeyaasha dunidu qabanayaan shir ay qaaraan ugu ururinayaan magaalada Beirut ee dalka Lebanon.

Kulankaas oo loo adeegsan doono maqalka iyo muuqaalka internet-ka ayaa waxa qaban qaabiyey Faransiiska iyo Qaramada Midoobay, waxaanu qabsoomi doonaa 2 duhurnimo wakhtiga Lubnaan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka qayb geli doono shirkaas.

Saraakiishu waxay ku qiyaaseen in qaraxa ka dhashay bakhaar ay yaalleen 2,750 tan oo maadada Ammonium Nitrate uu dhaliyey khasaare dhan 15 bilyan oo dollar.

Qaraxaas waxa ku naf waayey ugu yaraan 158 qof 5,000 oo qofna way ku dhaawacmeen halka 300,000 oo kalena ay ku guryo beeleen.

Sabtidii ayaa dhawr kun oo qof iskugu soo baxeen dariiqyada magaalada oo booliska u adeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa, halka dibadbaxayaasha ay adeegsadeen dhagxaan. Dibadbaxayaasha ayaa gudaha u galay xarumaha dhowr wasaaradood.

Ra’isal wasaaraha Lubnaan, Xasan Diyaab, ayaa khudbad uu Telefishanka ka jeediyey ku sheegay in uu dalban doono in dalka laga qabto doorashooyin wakhtigoodii ka soo hor mara si xal loogu helo xiisadda taagan. Arrintaas ayaa lagaga wadahadli doonaa shirka golaha wasiirada ee Isniinta dhici doona.

Qaraxa ka hor, Lubnaan waxa marka horeba ka taagnaa dhibaatooyin dhaqaale waxaanu sidoo kale dalku la tacaalayey wax ka qabashada safmarka coronavirus.

Mudaharaaddo dawladda lagaga soo horjeedo ayaa bilaabmay bishii October ee kal hore, waxaana sabab u ahaa duruufta maaliyadeed ee dalkaasi ka jirtay iyo hoos u dhaca lacagta dalkaas.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: