Wararka

Tuhmanaha koowaad ee dilkii fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa ayaa qirtay inuu…


Tilahun Yami, oo ah tuhmanaha koowaad ee dilkii fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa ayaa qirtay inuu yahay dambiile, tan iyo markii la qabtay horaantii bishii hore isaga iyo afar kale oo tuhmanayaal ah.

Tilahun Yami ayaa maxkamada ka hor sheegay in dadkii u adeegsaday dilka Hachalu ay ugu hanjabeen inay dilayaan xubnaha qoyskayga haddii uu bixiyo macluumaad ku saabsan dilka fanaanka iyo cida usoo dhiibtay amarka.

Tilahun, ayaa lagu eedeeyay in uu toogtay Hachalu 30 Juun, 2020, meel u dhow goobta loo yaqaan ‘Gelan Condominium’ ee Addis Ababa.

Dhimashada fanaanka ayaa sababtay weerarro qowmiyadeed iyo mid diimeed oo sababay dhimashada ugu yaraan 200 qof, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Tilahun wuxuu maxkamadda ka codsaday in ay siiso dhamaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah badbaadada xubnaha qoyskiisa.

Intii lagu guda jiray dhageysiga maxkamada hore, eedeysanuhu wuxuu maxkamada ka codsaday inay u ogolaato inuu is dilo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11863 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: