Wararka

faahfaahin ayaa ka soo baxaysa dagaal ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar…


Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dagaal ka dhacay galabta gudaha xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku jiraan boqolaal maxaabiis ah oo u xiran dembiyo kala duwan.

Ciidanka ilaalada xabsiga iyo maxaabiista hubeysan oo aan tiradooda saxda ah la ogeyn ayaa la sheegay inuu dagaal ku dhexmaray gudaha xabsiga kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Ciidamada amaanka ayaa xiray dhamaan jidadka soo gala xabsiga, waxaana dadweynaha ku nool degmooyinka Xamar jajab iyo Xamar-weyne ay sheegeen inay ka joogi waayeen daryanka rasaasta la isweydaarsanayey.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay gudaha xabsiga ka wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo saraakiisha Ciidanka Asluubta ay sheegayaan inay goor dhow war ka soo saari doonaan dhibaatada ka dhacday gudaha xabsiga.

Dhinaca kale, afhayeenka Wasaarada warfaafinta Xukuumada Somalia ayaa bartiisa facebook ku soo qoray in la laayey dhamaam maxaabiistii dagaalameysay, lana soo gebagegeebeyey howlgalkii ka socday xabsiga dhexe.

“Mar dhaw faahfaahin ayaa laga bixinayaa xaaladda Xabsiga dhexe, Hadda xaaladda caadi ayay kusoo laabatay, waxaana la dilay dhammaan raggii dagaalamayay” ayuu yiri Ismaciil Mukhtaar Orango

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: