Wararka

Imtixaankii shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2019/20 ee Puntland oo si rasmi ah loo shaaciyey…


Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020, waxaana markii ugu horeysay kaalinta koowaad ka galay gabadh.

Maryan Cabdikariin Axmed ayaa kaalinta koowaad ka gashay tobankii arday ee ugu sareeyay natiijada imtixaankii la qaaday bishii june dhamaadkeedii.

Waxaa kaloo xusid mudan in 6 kamid ah tobankaas arday ay yihiin gabdho, waana markii ugu horeysay oo tiro intaas le’eg oo gabdho ah ay kasoo muuqdaan kaalimaha ugu sareeya ee imtixaanka.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdullaahi Axmed Xasan, ayaa bogaadiyay ardayda natiijada sare ka gaartay imtixaanka, balse ma sheegin wax qorshe oo ay ugu talo galeen haddii ay ahaan lahayd in ay heli doonaan deeq waxbarasho.

Ardayda qalin jabisay ayaa caqabad ka wajihi kara dhinaca shahaadada Federalka, maadaama wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay sheegtay in aysan ardayda Puntland helidoonin wax shahaado ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: