Wararka

Koox burcad hubeysan ayaa la sheegay inay dhac u geysteen xawaalada Iftin qeybteeda Garowe…


Puntland waxaa beryahan lagu arkayaa dhaqan aan fiicneyn oo ah burcad hubaysan oo dhac u geysanaya xawaaladaha kuyaala magaalada Garowe ee caasimadda Puntand.

Maalin ka hor, koox burcad hubaysan ayaa dhacay xawaaladda Iftin qeybteeda Garowe, iyagoo ka qaatay lacag lagu qiysaay ku dhawaad shan kun oo dollar, sida uu Hiiraan Online u sheegay masuul maamulka katirsan.

Waa markii labaad oo burcad dhac ugeystaan xawaaladaha kuyaala Puntland, dhowr billood kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale maleyshiyo hubaysan ay dhac ugeysteen shirkadda Somtel qeybteeda Garowe.

Weli maamulka Puntland ma qaadin tallaabo wax looga qabanayo burcadda boobka u geystay shirkaddaha xawaaladaha.

Arrintaan waxay keentay in shirkaddo isgaarsiineed iyo kuwo xawaaladdeed oo habeenkii shaqayn jiray albaabada loo laabo kadib markii ay soo wajahday cabsi ku aadan in dhac loo geystay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: