Wararka

Maxkamadda Federaalka ee Washington ayaa soo saartay amar loogu yeerayo dhaxal sugaha Sacuudiga…


Maxakamadda Federalka ee Washington ayaa soo saartay amarro maxkamadeed oo loogu yeerayo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo 13 qof oo kale, si ay uga jawaabaan eedeymaha Sacad Al-Jabri uu u jeediyey ee isku dayga dilkiisa.

Go’aanka maxkamadda ee dadka loo yeeray ayaa waxaa ka mid ah: Yousef Al-Rajhi iyo Laila Abu Al-Jadayel, oo deggan Mareykanka. Maxkamaddu waxay codsatay inay ka soo jawaabaan eedeymaha ugu badnaan muddo 21 maalmood ah.

Saad al-Jabri, lataliyihii dhaxal sugihii hore ee boqortooyada Sucuudiga, Muhammad bin Nayef, wuxuu dacwad ka gudbiyay Amiir Muhammad bin Salmaan iyo saraakiil dhowr ah oo Sacuudiyaan ah oo ay ka mid yihiin Saud Al-Qahtani, Ahmed Asiri iyo Badr Al-Asaker, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay isku dayeen inay u dilaan qaab la mid ah dilkii saxafiga Jamal Khashoggi.

Dacwaddan ayaa muujisay in FBI-du ay fashilisay isku daygii dilka ee Al-Jabri ee Canada, ka dib markii ay la xiriirtay masuuliyiinta Canada.

Kiiska ayaa ah mid madani ah, sidaa darteedna aan cidina loo qaban doonin, maxaa yeelay Al-Jabri kaliya wuxuu weydiistay magdhow, haddii maxkamaddu rumeyso sheegashadiisa, waxay u xukumi doontaa sida uu doono.

Sababta cabsidani keentay ayaa waxay tahay in Jabri uu xiriir aad u dhow la leeyahay sirdoonka Mareykanka, “waxayna umuuqataa inay gacan ka geysteen badbaadinta noloshiisa ka dib markii aan uga dignay waxa loosoo wado.”

Kiiskan oo dibada u soo baxay iyo wicitaanka eedeysanayaasha iyo hadalheynta warbaahinta ayaa waxay horseedi kartaa natiijo la mid ah tii uu ka baqayey dhaxal sugaha, taas oo ah in la waxyeeleeyo xiriirka uu la leeyahay Washington.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11771 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: