Wararka

Natiijada doorashada Belarus markii lagu dhawaaqay ayaa waxaa dhacay dibadbaxyo…


Dibedbaxyo rabshado wataa ayaa xalay mar qura ka qarxay caasimadda dalkaasi Belarus ee Minsk kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorasho halkaasi ka dhacday shalay gelinkii hore.

Natiijada ayaa lagu sheegay in markii lixaad uu doorashada ku guuleystay madaxweynaha talada dalkaasi haya ee Aleksandr Lukasjenko kaas oo lagu sheego kaligii taliyaha ku dambeeya qaaradda Yurub.

Mr. Lukasjenko oo taageero ka haysta dalka dariska la ah ee Ruushka, ayaa waxaa uu talada dalkaasi soo hayay tan iyo sannadkii 1994-tii.

Sida ay qorayaan warbaahinta caalamka, dibedbaxayaasha iyo askarta ayaa foodda is daray, waxaana dhacday in dibedbaxayaal badan ay boolisku garaacan, xabsigana u taxaabaan.

Booliska ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in ay xaaladdu gacanta ugu jirto ayna wali maareynayaan.

Sidoo kale dibedbaxyo yaryar ayaa ka dillaacay magaalooyinka Brest, Gomel, Grodno iyo waliba Vitebsk.

Boqolkiiba 81 ayuu helay codadka doorashada madaxweyne Aleksandr Lukasjenko.

Mucaaradka dalkaasi iyo dibedbaxyaduba ayaanan aaminsaneyn natiijada doorashada, waxaana ay sheegeen in ay dhacday ku shubasho iyo wax is daba marin.

Gabar da’ yar ayaa doorashada kula tartameysay madaxweynaha taas oo lagu magacaabo Svetlana Tikhanovskaja, waxaana ay heshay boqolkiiba 8 codadka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11861 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: