Wararka

Xukuumadda Lubnaan ayaa gebi ahaanba dhacday kadib qaraxii dadka badan ku laayey Beirut…


Wararka ka imaanaya caasimadda dalkaasi Lubnaan ee Beirut ayaa waxaa ay sheegayaan in xukuumadda dalkaasi ay gebi ahaanba dhacday kadib xasarado ka dhashay qaraxyadii magaaladaasi maalmo ka hor ka dhacay ee khasaaraha ballaaran uu geysteen.

Wasiirka caafimaadka dalkaasi Hamad Hassan ayaa warbaahinta u sheegay in gebi ahaanba ay dhacday xukuumadda, waxaana sida uu sheegay go’aankaasi la gaaray kadib markii ay maanta shir yeesheen.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa xilalka iska casilayay wasiirro ka tirsan xukuumadda dalkaasi kuwaas oo culeys kala kulmay qaraxyadii foosha xumaa ee magaalada Beirut ka dhacay.

Qaar badan oo kamid ah shacabka Lubnaan ayaa ka caraysan sida looga hortagi waayay qaraxa oo ka dhashay makhaasiin lagu keydiyay kumannaan tan oo ah maadada qaraxda ee ammonium nitrate.

Maadadaasi ayaa laga dejiyay markab dekadda Beirut ku soo xirtay lix sano ka hor. Dowladda ayaa wacad ku martay inay la xisaabtami doonto kuwa mas’uulka ka ahaa dayacaaddaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: