Wararka

Dowlada Somalia ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto sababtii ka dambeysay…


Wasiirka Cadaaladda Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan sababtii ka dambeysay weerarkii ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, isagoo bogaadiyay kaalinta ciidamada ammaanka ay ka geysteen howlgalkii ay ka fuliyeen gudaha xabsiga dhexe.

Sidoo kale Wasiir Xasan Xuseen oo shacabka kala hadlayay Telefishinka Qaranka ee ku hadla Afka Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ciidamada ay nolosha ku qabteen Lix ka mid ah kuwii maanta falalka amni darro ka geystay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaasi oo haatan ay ku socoto baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo sababta ka dambeysay weerarki maanta ka dhacay xabsiga gudahiisa.

Ugu danbayntii Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan baaritaannada socda iyo wixii ka soo baxa, waxaana uu ciidanka kula dar daarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: