Wararka

Ma laga yaabaa Farmaajo iyo Kheyre inay hoosta ka wada socdaan oo arrinta sidan loo agaasimay?…


Isbedelkii ku yimid xukuumada uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo 25kii July ee lagu eryey Rai’isul wasaarihii Xasan Cali Kheyre ayaan ka aqrineynaa dhinac kale sida dadka badankooda ay u aqriyeen oo toos u arkay wixii dhacay sidaasina ku cabiray ra’yigooda, balse anigu waxaan ka eegayaa dhinac kale.

Runtii sida anigu aan aaminsan nahay arrintu waxay aheyd mid ay isla ogyihiin madaxda loo maleynayo inay kala irdhoobeen, waxaan sidaasi u iri habka uu u maray baarlamaanka oo aan aheyn mid sax ah islamarkaana degdeg aheyd, madaxweynaha oo saacado gudahood ku aqbaly go’aankaasi, waxaa intaasi ka sii daran Rai’ isul wasaaraha la tuuray oo asna si deg deg ah ku aqbalay, hadaba taasi maxay ka dhigan tahay?

Markaan fiirino waxa ka dhacay dalka Ruushka oo madaxweyne Putin oo labo xili ahaa madaxweyne isla markaana aan sharciga u saamaxeynin mar seddaxaad inuu tartamo, taasi waxay kaliftay inuu helo qof uu ushiisa u dhiiban karo si hadhow uga qaato, markii la rogrogay arrimaha waxaa la huri waayey in uu Rai’ isul wasaarihiisa Dmitri Medvedev uu yahay kan ugu mudan oo ammaanada ilaalin kara, sidaa waxaa madaxweyne ku noqday Medvedev, islamarkiiba wuxuu Rai’ sul wasaare u soo doortay Putin oo ballantu aheyd inuu kursiga u sii ilaaliyo Medvedev, iyada oo la ogaa in xukunka gacanta Putin uu ku jiray.

Hadaba teena xoogaa yar ayey ka duwan tahay, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ogyahay in dadka Soomaalidu aynan soo celin qof xilka horey u qabtay, labo isaga oo shacbiyadiisa hoos u dhacday, seddax asaga oo rumeysan qof kale inuu madaxnimada ku soo bixi doono, sidaa darteed waxay dadka tusinayaan inay kala caroodeen, si Xasan Cali Kheyre caatifad uga helo dadka maadaama si khalad ah loo tuuray, una tartamo xilka madaxweynaha oo loo badinayo haddii uu tartamo inuu ku soo bixi doono, madaama shacbiyad loo sameeyey oo laga dhigay qof la dulmiyey asaga oo shaqo fiican dowlada iyo dalka ka haya, dadka Soomaaliyeed waxaa lagu ogyahay qalbi wanaagsanaan qofkii ooya inay la ooyaan, waaad xasuusataan berigii Farmaajo Rai’isul wasaaraha ahaa markii sida khasabka ah looga qaaday xilka ummadii oo dhan ayaa gadooday wuxuuna sidaasi ku yeeshay shacbiyad oo ugu dambeyntii keentay kursiga.

Kheyre oo shacbiyad loo sameeyey iyo Farmaajo oo hoosta ka wada socdaan, waxay horseedi doontaa in Kheyre uu noqdo Madaxweyne halka Rai’ isul wasaarihiisu noqon doono Farmaajo ama qof asaga wata oo saaxada siyaasada laga aqoon, maadaama uusan asaga ka gadmeynin dadka oo hankii loo hayey xoogaa damay.

Si kastaba la arki doonee waxa ay ku dhamaato qiiq isku qarinta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11787 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: