Wararka

Masjid labo khadhiib ka jeediyey khudbada Salaada Jimcaha oo si weyn loo cambaareeyey…


Muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada oo labo Imaam Masjid isku heysta khudbada salaada Jimcaha ee Masjid ku yaala dalka Lubnaan ayaa si ballaaran loo wadaagay.

Muuqaalka fiidiyowga ayaa muujinaya, laba khadhiib oo jeedinaya khudbada salaada Jimcaha si wada jir ah gudaha Masjidka Al-Iimaan ee xerada Rashidiya, oo ku taal magaalada Tyrus ee Lubnaan, ka dib mid ka mid ah ayaa dhameeyey khudbada oo wuxuu bilaabayaa salaadda halka kan kalena uu weli bixinayo khudbada.

Dadka salaada u tagay Masjidka ayaa si weyn u cambaareeyey falkaasi, waxayna sheegeen xataa khilaafyada inay u soo xawileen Beytkii Allah, waxayna bilaabeen in ay duubaan waxa dhacaya oo aheyd astaan la yaab leh.

Waxaa la sheegayaa sababta khilaafka inuu yimid kadib markii Agaasinka guud ee Masaajida Islaamiga ee Lubnaan ay casileen Imaamkii Masjidka oo lagu bedelay mid kale, kadibna Imaamkii la bedelay uu diiday inuu u hogaansamo amarkaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: