Wararka

Trump oo lagala cararay goob uu shir jaraa’id ku qabanayay oo ka tirsan Aqalka Cad…


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagala cararay goob uu shir jaraa’id ku qabanayay oo katirsan Aqalka Cad, kadib markii qof hubeysan lagu toogtay .

Trump oo warbaahinta la hadlayay ayaa maqlay rasaasta lagu toogtay qofka hubeysan, waxaana kadib si deg deg ah ugu yimid kuna wargaliyay dhacdada mid kamid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Ilaalada Aqalka Cad ayaana si deg deg ah ula cararay Madaxweynaha oo joojiyay shirka jaraa’id, waxaana Trump la geeyay meel amaan ah uu ku sugnaa daqiiqado kahor inta uusan mar kale dib ugu soo laaban shirka jaraa’id.

Trump ayaa markii ay xabada dhacday laga maqlayay ereyo ay kamid ahaayeen”Oh!” “Maxaa dhacaya”, waxa uuna sheegay markii uu dib ugu soo laabtay shirka jaraa’id in ilaalada qarsoon toogteen qof hubeysan oo laga shakiyay.

Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa marar badan meelo ku dhaw dhaw waxaa ka dhacay toogasho, lamana oga ujeedka uu lahaa ruuxa hubeysan ee toogteen ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Donald Trump.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: