Wararka

Kooxda ISIS oo sheegatay mas’uuliyadda bam gacmeed oo lagu weeraray bar kontrool oo Booliis…


Kooxda ISIS ee ka hawl gasha Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda bam-gacmeed lagu bartilmaameedsaday bar kontorool oo booliis ah taariikhdu markay ahayd 7dii bishan Agoosto.

Weerarkan oo ka dhacay degmada Towfiiq ee Muqdisho, ayaa lagu dilay hal askari oo ka tirsan Ciiddanka Booliiska iyo 2 dhaawac ah.

Warkan ayaa maanta lagusoo daabacday barta Twitter-ka oo ka faallooda dhaqdhaqaaqyada ururada mintidiinta.

Weerarkan ayaa u muuqda mid ay ISIS ku muujinayso joogitaankeeda magaalada Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya.

ISIS, waxay hadda dagaalamayaal gaaraya 300 ku leedahay buuralayda gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo ka sameysatay xeryo milatari oo maleyshiyaadkooda ku tababartaan.

Hoggaamiyaha kooxdan Cabdiqaadir Muumin oo aad loo baadigoobo ayaa la aaminsan yahay inuu ku sugan yahay meelo katirsan gobolka Bari.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11861 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: