Wararka

Kulan loo qabtay guddigii loo magacaabay baarista shaqaaqadii ka dhacday Xabsiga dhexe…


Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kulan la qaatay guddiga loo magacaabay inay baaris dhammeystiran ku sameeyaan shaqaaqadii maalin kahor ka dhacday Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Kulanka waxa looga hadlay sameynta baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo dhacdadii Xabsiga dhexe, si loo helo warbixin dhammeystiran oo go’aan lagu qaadan karo, ayaa lagu magacaabay guddi Farsamo oo guddigaan kala shaqeeya fududeynta baaritaanka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa guddiga kula dardaarmay inay baaritaanka kusoo gebagebeeyaan 10-ka maalin ee loo qorsheeyay lagu soo saaro natiijada baaritaanka.

Horey uma dhicin in muddo intaas le’eg dowladdu u qabato in lagu helo natiijo.

Inta badan baaritaanadda dowladdu sameyso shacabka looma soo gudbiyo natiijada saxda ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: