Wararka

Reps. Ilhaan Cumar ayaa ku guuleysatay doorashada isreebreebka xisbiga Dimoqraadiga…

United States Senator Cory Booker (Democrat of New Jersey), and US Senator Kamala Harris (Democrat of California), are seen during the US Senate Judiciary Committee hearing titled "Examining Best Practices for Incarceration and Detention During COVID-19," in Dirksen Building in Washington, D.C. on Tuesday, June 2, 2020. Credit: Tom Williams / Pool via CNP (Newscom TagID: cnpphotos171215.jpg) [Photo via Newscom]

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa xalay ku guuleysatay doorashadii gelinkii dambe ee Talaadadii ka dhacday Gobolka Minnesota ee dalkaasi Mareykanka.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa doorashada is reebreebka ee Xisbiga Dimoqraadiga kaga adkaatay Antone Melton-meaux, oo ay isku xisbi yihiin.

Ilhaan Cumar ayaa bisha November ee sanadkan kursigaasi kula tartami doonto musharaxa kale ee Xisbiga Jamhuuriga.

Doorashada Degmada 5aad ee Aqalka Congress-ka Mareykanka oo ahayd mid aad u adag ayay hadana Ilhaan Cumar awooday inay difaacato metelaadda xisbigeeda ee aqalkaasi.

Loolanka Ilhaan Cumar la gashay maal-qabeenka bulshada madowga Mareykanka ka soo jeeda ayay dadka qaarkii cabsi badan ka qabeen in looga adkaado.

Ilhaan Cumar ayaa boqolkiiba konton iyo toddobo (57%) kaga adkaatay musharaxaasi, halka uu isna helay boqolkiiba soddon iyo sagaal (39%), waana natiijo aad u wanaagsan.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ayaa si weyn u soo dhaweysay guusha, ay Ilhaan Cumar ka gaartay doorashada hadalhaynta ugu badan ka dhalisay gobolkaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: