Wararka

Shir ay yeesheen Wasiiradda Maaliyada ee DF iyo Dowlad Goboleedyada iyo Banaadir ayaa la isku…


Waxaa la soo gabagabeeyay Shirka Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, shirkan oo labo cisho ka socday Hotelka Decale ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta laga soo saaray War murtiyeed.

Shirkan ayaa la isku afgartay in si wanaagsan oo lagu wada qanacsan yahay loo qeybsado kabkii Miisaaniyadda.

Hirgelinta nidaam canshuureed oo qiime ku saleysan kaasoo aan laheyn wax canshuur kordhin balse muhiimadiisa tahay la jaanqaadka ganacsiga dunida iyo mideynta maamulka furdooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in dakhliga wadanka loo qeybsado qaab ka duwan qaabkii hore iyadoo arrintan loo saaro guddi farsamo si loo gaaro in wax lagu qeybsado qaab formula ah oo la isla ogol yahay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11751 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: