Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta lagu wado inay ansixiyaan hindise sharciyeedka…


Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa maanta lagu wadaa inay markale ku kulmaan Xarunta Villa Hargeisa, oo ku dhex taala Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayay tahay inay maanta akhrinta 3aad marsiiyan Hindise Sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed, isla-markaana ay ansixiyaan.

Ajandaha labaad ee kulanka Arbacada maanta ayaa ah akhrinta Warbixinta Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Somalia.

Qoraal lagu daabacay barta Guddoonka Golaha Shacabka ee Facebook ayaa Xildhibaanada loogu sheegay in sagaalka subaxnimo (9:00am) goobjoog ku ahaadaan Xarunta Golaha Shacabka.

Akhrinta 3aad ee ay Xildhibaanada Golaha Shacabka marsiinayan Hindise Sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed ayaa ku soo aadaya, xilli Golaha Wasiirada ay 30-kii bishii hore ee Luulyo ansixiyeen shan xubnood, oo ka mid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka, taasoo uu murun hareeyay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11858 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: