Wararka

Dowladaha Imaaraatka iyo Israel oo ku heshiiyey in ay yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed oo…


Dowladaha Isutagga Imaaraatka Carabta iyo Israa’iil ayaa ku heshiiyay in ay yeeshaan xiriir diblumaasiyadeed oo dhameystiran oo udhaxeeya iyaga, sida lagu sheegay bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, iyo dhaxal sugaha Abu Dhabi Amiir Mohammed bin Zayed Al Nahyan iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegay in sida ku xusan heshiiska, Israel ay ogolaatay in ay joojiso in ay isku fidiso dhulka aagagga Daanta Galbeed oo ku talo jirtay inay ku darsato.

Bin Zayed ayaa wuxuu sheegay in lagu heshiiyey kadib xiriir uu dhex maray Trump iyo Natenyahu qorshe howleed wada shaqeyn ah si loo abuuro xiriirka labada dhinac ee lagu heshiiyey.

Safaaradda Imaaraatka Carabta ee Washington ayaa waxay u aragtay heshiiska xiriirka diblomasiyadeed oo buuxa inay tahay “guul diblomaasiyadeed iyo gobolka,” halka Brian Hook, ergeyga gaarka ah ee Mareykanka ee nabadda, uu sheegay in heshiiska “masiibo” u yahay Iran.

Trump ayaa sheegay in xafladda saxiixa la filayo inay ka dhacdo Aqalka Cad toddobaadyo gudahood.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: