Wararka

Guddiga farsamada ee kasoo talo bixinta doorashooyinka ayaa ka hadlay sababta maqnaanshaha…


Guddiga farsamo ee kasoo talo bixinta doorashooyinka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababta ay guddigooda uga maqan yihiin wakiilada ka socda Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo maqan tan iyo markii la magacaabay shirkii labaad ee Dhuusamareeb kadib.

Guddoomiyaha guddigan ahna sii hayaha wasiirka dastuurka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan maqnaashaha wakiillada Puntland iyo Jubbaland, inkastoo uu sheegay in ay guddiga kusoo biiri doonaan marka la iskugu tago magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka dastuurku wuxu intaas ku daray in ay la kulmeen oo ay talooyin dhowr kasoo qaateen qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo ururada bulshada rayidka ah, ayna ku kalsoon yihiin inay keeni doonan hannaan doorasho oo lawada oggol yahay.

Wasiirka dastuurka hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya iyadoo muddo labo cishe ah ay ka harsan tahay shirka Dhuusamareeb islamarkaana laga walaacsan yahay qabsoomida shirkaas.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: