Wararka

Kooxda PSG oo boos ka xiratay semi finalka Champions League kadib markii Atlanta…

Paris Saint-Germain's Brazilian forward Neymar (L) celebrates after scoring a goal with Paris Saint-Germain's French forward Kylian Mbappe during the French L1 football match between Lille (LOSC) and Paris Saint-Germain (PSG) at the Pierre-Mauroy Stadium in Villeneuve d'Ascq, near Lille, northern France, on January 26, 2020. (Photo by FRANCOIS LO PRESTI / AFP)

Kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain ayaa u bedeshay guul kadib markii xilli dambe si la yaab leh uga badisay Atlanta 2-1, waxayna sidaasi ugu soo baxday semi finalka UEFA Champions League oo ah markeedii labaad taariikhdeeda iyo markii ugu horeysay rubuc qarni.

Kooxda Paris St. Germain ayaa ka soo daahay goolka barbaraha kadib markii Atlanta dhalisay goolkeedii koowaad daqiiqadii 26aad, waxay la gaartay ilaa daqiiqadii 90aad oo ay heleen barbaraha inta aysan dhalin goolka guusha ee taariikhiga u ah kooxda waqtiga dheeraadka ah ee lagu kordhiyey ciyaarta.

Kooxda reer Talyaani ayaa aheyd koox halis badan 15kii daqiiqo ee qeybtii hore ee ciyaarta, waxay ku sigteen in ay dhaliyaan gool daqiiqadii 10aad haddii uusan ahaan laheyn goolhayaha PSG Keylor Navas.

Wareega Semi-finalka, Paris Saint-Germain ayaa la kulmi doonta kooxda ka soo baxda kulanka Atletico Madrid iyo Leipzig, oo dhici doona Khamiista maanta ah.

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ayaa go’aansaday in la ciyaaro hal ciyaar keliya laguna ciyaro magaalada Lisbon ee dalka Portugal halkii kooxaha ay isku arki lahaayeen labada guri wareega quarter iyo Semi finalka tartanka sababo la xiriira faafida cudurka coronavirus.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11790 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: