Wararka

Mareykanka ayaa ka hor yimid muddo kororsi ay sameysato dowlada iyadoo aan raalli…


Dowlada Maraykanka ayaa ka hadashay arrimaha doorashooyinka dalka iyadoo qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya loogaga soo horjeestey muddo kordhin.

Mareykanka ayaa sheegay inuu si weyn u quudareynayo natiijada shirka Dhuusamareeb 3, baahida loo qabo wadatashiyo iyo isu tanaasul dhab ah oo furo u noqda in is afgarad laga gaaro.

” Nooca doorasho ee raalli la isaga yahay wuxuu u baahan yahay DFS, Maamul Goboleedyada, Baarlamaanka iyo daneeyayaasha siyaasadda.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay safaarada Maraykanka.

“Waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdaa, iyadoo aanu jiri doonin wax muddo kororsi”ayaa la sii raaciyay qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa ku soo beegmaya xilli waxyar ay ka harsan tahay shirka lagu ballamay ee Dhuusamareeb 3.

Qaar ka mid ah hogaamiyaasha mucaaradka ayaa hore ugaga digey in Dowlada Federalka ay sameysato muddo kordhin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: