Wararka

Muwaadiniin u dhashay Kenya oo burbur u geystay qunsuliyadooda magaalada Beirut…


Muwaadiniin u dhashay dalka Kenya islamarkaana ku sugan dalka Lubnaan ayaa ku dibedbaxay, bur-burna u geystay qunsuliyadooda ku taal magaalada Beirut.

Dadkan oo u badan dumar shaqo usoo raadsaday dalka Lubnaan ama loo keenay ayaa waxaa ay dowladooda ka dalbanayaan in dib loogu celiyo dalkooda.

Wararka ayaa sheegaya in dadkani soo foodsaartay culeys xagga nolosha ah kadib markii ay waayeen shaqooyinkooda kadib markii uu halkaasi ka dhacay qarax gebi ahaanba badalay nolosha magaalada Beirut dhawaan.

Sidoo kale muwaadiniin kasoo jeeda dalka Itoobiya ayaa ku dayacan magaalada Beirut.

Si kastaba, iyadooba awal uu dalkaasi Lubnaan ka taagnaa dhaqaale xumo baahsan ayaa waxaa ugu darsamay qarax weyn oo gebi ahaan magaalada Beirut saameeyay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: