Wararka

Rabshado ka dhacay magaalada Bangalore ee India ayaa la sheegay inay dad ku dhinteen…


Saddex ruux ayaa ku dhimatay magaalada Bangalore ee koonfurta dalka Hindiya kadib markii ay ciidamada booliska rasaas ku fureen dad mudaharaadeyaal ah oo ka careysan “aflagaaddo” la sheegay in Nabi Muxammad, Nabadgalyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee, loogu geystay Facebook.

Dadka isu soo baxay ayaa isugu tagay bannaanka hore ee guri uu leeyahay siyaasi maxalli ah oo qaraabo la ah qofka lagu eedeeyay inuu “aflagaaddada” u geystay nabiga.

Waxay dab qabadsiiyeen gawaari, waxayna weerar loo adeegsaday dhagaxyo ku qaadeen ciidamada booliska oo u tagay, sida ay saraakiil ka tirsan booliska u sheegeen BBC Hindi.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray ninka la eedeeyay iyo 110 ka mid ah dadkii mudaharaadayay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11754 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: