Wararka

Shiinaha ayaa ugu deeqay lacag dadka Soomaaliyeed ee waxyeelada ka soo gaartay daadadka…


Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ugu deeqday $50,000 dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay daadadka.

Dhaqaalahan ayaa safaaradda Shiinaha ugu talo gashay in dadka ku sugan meelaha ay musiibada ka jirto ay dib u dhisi karaan guryahooda oo ay dib u bilaabaan noloshoodii iyo wax soo saarkooda sida ugu dhaqsaha badan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Shiinuhu dhaqaalo ku bixiyo taageerada dadka daadadku saameeyeen.

Sanadii 2018, Dowladda Shiinaha ayaa ugu deeqday 1.5 milyan oo doollarka Mareykanka ah si loogu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaada Webiga.

Qin Jian, danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sheegay in tillaabada noocan oo kale ah ay muujineyso saaxiibtinimada qotada dheer iyo walaaltinimada dadka Shiinuhu u hayaan dadka Soomaaliyeed xilliyada adag.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya, oo guddoomay deeqda lacageed, ayaa ku amaanay dowladda Shiinaha inay siiso kaalmadaas muhiimka ah, isagoo sheegay inay timid xilli aad u muhiim ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11861 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: