Ciidamada Danab ayaa la sheegay inay la wareegeen degmada Kurtunwaarey ee Gobolka…

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen degmada Kurtunwaarey oo ka tirsan Gobolkaas oo muddo dheer ay gacanta ku hayeen Xarakada Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in howl-galka lagula wareegay degmadaasi uu ahaa mid qorsheysan oo si fiican looga baaraan degay.
Ciidamada Danab ayaa hadda waxay wadaan howl-gal dhinaca xaafadaha kala duwan ka socda, iyagoo sidoo kale saldhigga magaaladaas kasii daayay dad ku xirnaa, sida ay u sheegeen warbaahinta.
Dhinaca kale saraakiisha ciidamada ayaa warbaahinta maxalliga ah waxay kasoo xigatay in ay qabteen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, hase-ahaatee ma jiraan ilo madax bannaan oo warkaasi xaqiijinaya.
Ma jiraan war kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarka Ciidamada Dowladda ay kula wareegeen degmada Kurtunwaarey ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com