Wararka

Farmaajo iyo Abu Geith oo ka wadahadlay xaalada guud ee Somalia xiligan kala guurka ah…


Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abu Geith iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku wada hadlay Khadka telefanka ayaa waxay isku soo qaadeen xaaladda siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Sida lagu qoray Wargeys kasoo baxa gudaha Masar Jaamacadda Carabta ayaa ballan qaadday inay dhammaan dhinacyada laga wada hadlay.

Wargeyskan oo xigtay mas’uuliyiin dhinaca xafiiska Xoghayaha Jaamacadda Carabta ah ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu si faah faahsan Abu Geith uga warramay xaaladda ammaan dhaqan dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee hadda ka jirta dalka Soomaaliya.

Wada-hadalkaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli dowladda madaxweyne Farmaajo uu hoggaamiyo ay cadaadis kala kulmeyso mucaaradka gudaha iyo qaar kamid ah xubnaha beesha Caalamka oo doonayo in la isla garto nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dabayaaqada sanadkan iyo bilowga sanadka soo socda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11889 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: