Wararka

Kooxda Leipzig ee Jarmalka ayaa u soo baxday semi finalka Champions League kadib markii…


Kooxda Leipzig ee ka dhisan Jarmalka ayaa si xarago leh 2-1 uga badisay kooxda Atletico Madrid shalay oo Khamiis aheyd ciyaar ka mid aheyd quarter finalka Champions League.

Kooxda Leipzig ayaa u soo baxday markii ugu horeysay semi finalka koobka Champions League, waxaana la dhihi karaa inuu u soo saaray goolkii uu dhaliyey Tyler Adams daqiiqadii 88aad ee ciyaarta, sidaasi ayaa Atletico ku macasalaameysay tartankan, kooxda ayaa la kulmi doonta semi finalka PSG.

Adams ayaa bedel ku soo galay ciyaarta wuxuuna helay fursad kooxdiisa ku hogaamiyo semi finalka tartankan, ciyaarta ayaa lagu qabtay garoonka Estadio Jose Alvalade ee dalka Portugal.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: