Wararka

Bayern Munich oo ku bar baratay kooxda Barcelona markii ay uga badisay 8-2 ciyaar ka…


Kulankii xalay dhex maray kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich ayaa ahaa mid dadka aad u xiiseynayeen inay daawadaan, laakin markay noqotay in hal koox ay iska hogaamiso ciyaarta oo xukunto waxay ka tirtay dhadhankii loo qabay.

Kooxda Bayern Munich oo ah koox aad u adag oo wadata ciyaartooy runtii awood u leh inay dagaalamaan ayaa ku barbaratay kooxda Barcelona markii ay uga badisay 8-2, waxaad moodaa inaan labo kooxba aanu ciyaarin.

Barcelona runtii sharafta ayaa looga qaaday ciyaartan ka tirsaneyd quarter finalka Champions League, sidaasi waxay weji gabax la aaday gurigeeda iyagoo runtii madaxooda foorara.

Bayern ayaa semi finalka isku arki doonaan kooxda ka soo baxda ciyaarta Manchester City iyo Lyon oo caawo dhici doonta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12181 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: