Wararka

Golaha Ammaanka ee QM ayaa diiday soo jeedintii Mareykanka oo aheyd in la kordhiyo…


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday soo jeedinta Mareykanka ee aheyd in la kordhiyo cunaqabateynta hubka ee saaran Iran Jimcahii.

Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Kelly Craft ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in Mareykanku uu xaq u leeyahay in uu wax ka badalo qodobada ka soo baxay qaraarkii Golaha Ammaanka ee soo socda.

Mareykanka ayaa kaliya ka helay taageerada soo jeedintiisa Dominican Republic. Ruushka iyo Shiinaha ayaa ka soo horjeeday halka Jarmalka, Faransiiska, Boqortooyada Ingiriiska iyo sideed kale ay ka aamuseen.

Sida ku cad shuruucda qorshaha wadajirka ah ee (JCPOA) ee 2015 ayaa xayiraada hubka ee caadiga ah ee saaran Iran waxaa si sharci ah loo soo afjaray bartamihii October.

Muddo bilooyin ah, Maamulka Trump wuxuu doonayey inuu kordhiyo cunaqabateynta inkasta oo uu ka baxay heshiiska niyukleerka, waxayna ahayd olole horey loo sii saadaaliyay inuu fashilmi doono Maraykanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11748 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: