Wararka

Villa Somalia ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Farmaajo uu ka qeyb geli doono shirka lagu ballansan…


Villa Somalia ayaa waxay xaqiijisay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta taggi doono Magaalada Dhuusamareeb.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somalia, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweynuhu u safri doono Magaalada Dhuusamareeb.

Agaasimaha ayaa qoraalka ku sheegay in Madaxweynuhu uu Dhuusamareeb u taggaayo, si uu uga qaybgalo shirka ay ku leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

“Iyadoo la tixraacayo dadaalada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo dowladdaha Xubnaha ka ah, horeyna loogu sii dhaqaajin lahaa wadahadaladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa Magaalada Dhuusamareeb, si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga.” Ayuu yiri Cabdinuur Maxamed.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa 22-kii bishii Luulyo ku heshiiyay in 15-ka bishan August oo maanta ku beegan, ay markale ku kulmaan Dhuusamareeb.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inaanu maanta shirka ka furmi doonin Magaalada Dhuusamareeb, sababo ku aadan madaxda oo aan weli wada gaarin magaaladaasi, shirkana uu furmi doono berrito wixii ka dambeeyo.

Shirka Dhuusmaareeb ayaa ah mid si weyn isha loogu wadahaayo, waxaana qorshuhu yahay in looga wadahadlo arrimo muhiim u ah masiirka dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: