Wararka

Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in uu geeriyooday walaalkiis ka yar Robert Trump oo ku…


Madaxweynaha dalkaasi Mareykanka Donald Trump ayaa shaacaa ka qaaday in uu geeriyooday walaalkiis ka yar Robert Trump kaas oo xanuunsanaa mudooyinkan dambe.

Sida ay qorayaan warbaahinta CNN iyo ABC, waxaa isbitaalka la dhigay Robert Trump maalmo ka hor halkaas oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday

Xaaladdiisa caafimaad ayaan wax badan laga sheegin balse waxaa lagu qeexay mid daran.

Madaxweyne Trump iyo walaalkii ayaa la sheegay in ay lahaayeen xiriir wanaagsan.

Waa markii labaad oo isbitaal la dhigay Robert Trump, waxaana bishii July uu muddo isbuuc ah ku jiray isbitaal.

Robert ayaa ku geeriyooday da’da 71 jir.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: