Wararka

Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxeysa weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee…


Ururka Al Shabaab ayaa sheegatay weerarka hubeysan ee gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday Hotel Elite oo ku yaala Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah milkiilaha Hotel Elite ayaa ka mid noqday tiro dad ah, oo Ciidamada Dowladda ku guuleysteen inay halkaasi ka soo badbaadiyan.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa goor dhow qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay inuu caafimaad qabo, isla-markaana uu u rajeynayo dadka kale ee hotelka ku xaniban in iyana la soo badbaadiyo.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay inuu socdo hawlgal ballaaran oo lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo dadka faraha badan ee weli ku go’doonsan hotelka galabta la weeraray.

In ka badan toban qof oo rayid u badan ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka in ka badan labaatan kalana ay ku dhaawacantay, waxaana kordhi kara khasaaraha.

Dadka ku dhintay weerarka ee illaa iyo hadda waxaa ka mid ah Agaasimihii Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Warfaafinta Somalia, Cabdirisaaq Cabdi iyo Daahir Cali Gawl oo ka mid ahaa Hawlwadeenada Wasaaradda Gaashaandhigga.

Fanaanadda Fa’isa Beela iyo Camera-man ka tirsan Telefishinka Qaranka, oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Xuseen ayaa ka mid ah dadka laga warqabo inay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay ee sanadkan 2020 lagu qaado mid ka mid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: