Wararka

Kooxda Lyon oo afgembi u riday riyadii Manchester City kadib markii ay ku dhufatay 3-1…


Naadiga ka dhisan Faransiiska ee Lyon ayaa si lama filaan ah uga reebay naadiga Manchester City wareegga semi finalka Champions League ka dib markii ay Sabtidii 3-1 kaga badiyeen ciyaartii isreebreebka ee ka dhacday Portugal.

Kulanka ayaa ka dhacay garoonka Jose Alvalade ee Lisbon, Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa qiimo ku bixiyey xulashadiisa qorshaha ka fiirsiga lahaa ee weerarka, taasoo u saamaxday Lyon inay awooddeeda adeegsato bilowgii ciyaarta.

Dadaalkii kooxda Faransiiska ay ku dooneysay inay horumar ku sameyso ayaa u suuragalay daqiiqadii 24aad markii ay heleen gool.

Bilowgii qeybtii labaad, Guardiola wuxuu bedel ku soo geliyey xiddiga reer Algeria, Riyad Mahrez, oo lagu bedelay Fernandinho oo qaatay kaarka jaalaha kuna dhowaaday dhowr jeer inuu qaato kaarka gaduudka, Mahrez ayaa nooleeyey weerarkii kooxda Ingariiska, sidaasina ay ku heleen goolka barbarah daqiiqadii 69aad oo dhaliyey Kevin de Bruyne.

Lyon ayaa heshay fursad kale daqiiqadii 79aad oo gool ka dhigay Moussa Dembele oo ku soo galay bedel, isla isagii ayaa dilay riyadii Manchester City markii uu dhaliyey goolkii 3aad daqiiqadii 87aad.

Manchester City waxay heshay fursado badan oo gool lagu bedeli karay laakin kama faa’ideysan haba ugu darnaato fursad uu helay Raheem Sterling goolka oo banaan oo kubada cirka uga baxday oo ka dhigi laheyd ciyaarta 2-2.

Lyon ayaa la kulmi doonta Bayern Munich semi-finalka Arbacada soo socota, halka Paris Saint-Germain ay talaadada la ciyaari doonto kooxda Jarmalka Leipzig.

Tababaraha kooxda ayaa qirtay in kooxda Manchester City uusan kula guuleysan doonin Champions League.

Sidaasi waxay ku noqdeen kooxaha soo baxay labo Faransiis ah iyo labo Jarmal ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: