Wararka

Qarax xoogan ayaa lagu weeraray Hotel Elite ee Magaalada Mogadishu iyadoo dableydii…


Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta weerar qorsheysan lagu qaaday Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho.

Hotelka la weeraray oo saaran Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis ayaa weerarka lagu qaaday waxa uu ku bilowday qarax xoogan, waxaana xigay weerar toos ahaa oo gudaha loogu galay hotelkaasi.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in dableydii weerarka soo qaaday ay u suurtagashay inay xoog kaga gudbaan Check Point-ga amniga hotelka lagu suggo, isla-markaana ay ka dhex dagaalamayaan hotelkaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa gaaraya hotelka la weeraray, iyagoona isku deyaaya inay dib uga saaraan dableydii weerarka soo qaaday, oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab.

Weerarkan ayaa noqonaya noociisii ugu horeeyay oo sanadkan 2020 lagu qaado mid ka mid ah hoteelada loogu ilaalada badan yahay ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11788 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: