Wararka

Siciid Deni ayaa sheegay inay Puntland ka fiirsaneyso ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb…


Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo maanta dib ugu soo laabtay Garowe, kadib safar uu ku tagay dalka Jabuuti, ayaa sheegay inay Puntland ka fiirsanayso ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay hadalkii shalay uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Golaha Barlamaanka iyo isbedeladii siyaasadeed ee dhacay shirkii Dhuusamareeb kadib, in loo baahan yahay in ay Puntland tashi ka yeelato mowqif cadna ka qaadato.

Deni wuxuu tilmaamay in madaxweyne Farmaajo laga sugayay in haddii xukuumadii la riday ay bedesho xukuumad kale oo howsha sii wada, laakiin aanay taasi muuqan oo madaxweynuhu waddo kale aaday.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo aadaya, iyadoo warar la helayo ay sheegayaan in Puntland iyo Jubbaland ay diidan yihiin ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb, iyagoo madaxweynaha ku eedeeyay inuusan daacad ka ahayn in heshiis laga gaaro khilaafka arrimaha doorashada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11861 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: