Wararka

Trump ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo inuu cafis u fidiyo Edward Snowden oo ahaa qofkii dusiyey…

SAN FRANCISCO, CA - OCTOBER 14: Edward Snowden speaks remotely WIRED25 Festival: WIRED Celebrates 25th Anniversary – Day 2 on October 14, 2018 in San Francisco, California. (Photo by Phillip Faraone/Getty Images for WIRED25 )

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay inuu ka fiirsanayo inuu cafis u fidiyo Edward Snowden, oo ahaa qandaraasle hore ee Hay’adda Amniga Qaranka Mareykanka – oo hadda ku nool Russia – oo dusintiisa siro muhim ah ay gilgilisay bulshada sirdoonka Mareykanka sanadkii 2013.

Madaxweynaha Jamhuuriga ayaa faallo ka bixiyey kadib markii uu siiyey wareysi jariidada New York Post usbuucan asaga oo markaasi kaga hadlay Snowden oo yiri “dad badan ayaa rumeysan inaan si cadaalad ah ula macaamilin” qeybta fulinta sharciga Mareykanka.

Muddo sanado ah ayaa mas’uuliyiinta Mareykanka waxay sugayeen inuu Snowden ku soo noqdo Mareykanka si uu u waajaho maxkamad asaga oo loo heysto eedeymo basaasnimo ah oo lagu soo oogay sanadkii 2013.

Snowden ayaa wuxuu u cararay Ruushka wuxuuna weydiistay magangalyo ka dib markii uu u dusiyey tiro feylal sir ahaa sanadkii 2013 wakaaladaha wararka oo kashifay hawlgallo ballaaran oo kormeer gudaha iyo mid caalami ah oo ay sameeyeen Hay’adda Amniga Qaranka.

Muuqaalka jilicsan ee Trump ayaa ah mid ka soo horjeeda hadaladiisii hore .. Muddo yar ka dib faafinta siraha ayaa Trump wuxuu ka dhawaajiyay cadaawada uu u qabo Snowden, isaga oo ugu yeeray waa “basaas ay tahay in la dilo.”

Madaxweynaha ayaa u sheegay weriyeyaasha inuu ka fiirsanayo cafis loo fidiyo Snowden, isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay naadigiisa golf-ka Bedminster ee New Jersey, “Waxaan bilaabi doonaa inaan arrinta baaro.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: