Wararka

Madaxda ku sugan Dhuusamareeb ayaa yeeshay kulan horudhac u ah shirka lagu wado…


Madaxda ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay kulan horudhac u ah Shirka Dhuusamareeb 3 ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka qaybgalay Madaxweyne-yaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay caga-jiidka ee Shirka Dhuusamareeb 3 ka muujinayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Puntland ayaa soo saartay Warsaxaafadeed ay shuruud kaga dhigtay, sida keliya ee ay kaga qaybgeli karto Shirka Dhuusamareeb 3 oo ah in la helo cid damaanad qaadi karta inay dhaqangalaan waxyaabihii lagu heshiiyay.

Shirka Dhuusamareeb 3 oo ay gadaal ka riixeyso Beesha Caalamka ayay tahay in looga hadlo arrimaha doorashooyinka ee dalka, heshiisna laga gaaro nooc uun doorasho oo dalka ka qabsoomi karta 2020/21.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11767 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: