Wararka

Mataanayaal mataane kale guursaday hal marna uur u wada qaaday ayaa ka yaabiyey…


Laba gabdhood oo mataana ah ayaa ka yaabiyay caalamka kadib markii ay isku mar guursadeen laba wiil oo mataane, hal marna uur u wada qaaday.

Gabdhahan oo lagu kala magacaabo Brittany iyo Briana ayaa wax walba isla sameeya, waana isku dooq, sida ka muuqata sawirrada ku jira barahooda bulshada.

Dadka oo awalba ku wareersanaa in lammaanahani yihiin hal lammaane sababo la xiriira sida ay aadka isugu egyihiin ayaa waxaa ay kasoo jeedaan dalka Mareykanka, waxaana lagu kala magacaabaa Brittany iyo Briana Salyers, Josh iyo Jeremy Salyers.

Bartooda Instagram-ka ayay ku shaaciyeen uurkooda waxaana ay soo qoreen ” – Qiyaasa, waxaan labadeenuba leenahay uur”.

Labada gabdhood ee mataanaha ah ayaa isla qorsheysta wax kasta, waxayna ku wada dhaqaaqaan halmar, sida ay sheegeen.

Markii ay guur damceen ayay waxa ay ku heshiiyeen in ay sidoo kale helaan laba wiil oo mataana ah, sidooda oo kale.

Waxaa ay sheegeen in riyadoodu u rumowday maadaama halmar wada guursadeen laba wiil oo mataane ah, halmarna uur wada qaadeen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11368 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: