Wararka

Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa si kumeel gaar ah shaqada uga joojiyey Taliyaha Xabsiga…


Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa si kumeel gaar ah shaqada uga joojiyay Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye sababo la xirirta shaqaaqadii dhawaan ka dhacday xabsiga Dhexe ee Xamar oo ay weli socoto baaritaanno dheeraad ah.

Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa si ku meel gaar ah u magacaabay Jeneraal Daahir Aadan Cabdulle inuu sii wado shaqada Xabsiga Dhexe.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in wareegto ka soo baxday xafiiska Taliyaha ciidanka Asluubta shaqada si KMG looga joojiyay taliyihii xabsiga.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11442 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: