Wararka

M/weyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu si rasmi ah u daahfuray shirkii Dhuusamareeb 3…


Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si rasmi ah u daahfuray Shirka Dhuusamareeb 3, xilli ay madasha shirka ka maqan yihiin Madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Qoraalka Villa Somalia ayaa u qornaa:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo Maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariyey oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ka soo qeyb galay shirkan sida ay u dhowreen wakhtigii horey loogu qorsheeyey furitaanka shirkan, isaga oo ku bogaadiyey sida ay uga soo dhalaaleen mas’uuliyadda ka saarnayd in la sii amba-qaado qodobadii ka soo baxay Shirkii horey ugu qabsoomay Dhuusamareeb Bishii Luuliyo ee sanadkan.

“Maanta waxaa noo furmay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo aan isla falanqeynay qorshaha ay noo soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Doorashada, iyada oo Madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka. Sida aad wada ogsoontihiin waxaa ilaa hadda nagala soo qeyb galay furitaanka Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxweyneyaasha Dowladda Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.”

Madaxda ayaa iska xogwareystay sidii loo sii ambaqaadi lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka doorashooyinka dalka, geeddi socodka siyaasadda iyo Amniga Qaranka.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

-DHAMMAAD-

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: